Home Ciyaaraha Shaxda Ay Arsenal Ku Ciyaari Karto Kulanka Ugu Horeeya Xilli Ciyaareedka Cusub...

Shaxda Ay Arsenal Ku Ciyaari Karto Kulanka Ugu Horeeya Xilli Ciyaareedka Cusub Kadib Dhaawacii Thomas Partey – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa la kulantay dhirbaaxo ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Gunners ayaa waayi doonta saxiixa xiddiga Thomas Partey kadib markii uu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Saaxiibtinimada ee ay guuldarada kala kulmeen Banaadirsom Chelsea.

Sida laga soo xigtay football.london, xiddiga 28 jirka ah ayaa seegi doona kulanka furitaanka ah ee premier League ay Arsenal la ciyaari doonto Banaadirsom Brentford 13 bisha August.

Sidoo kale Partey ayaa seegi doona kulanka chelsa ee ku xiga taas oo la macno ah in ay Arsenal waayi doonto adeega xiddiga Partey kulamada ugu horeeya ee xilli ciyaareedka cusub.

Arintaas ayaa la macno ah in ay tahay in uu Mikel Arteta xaliyo arintaas waliba adeegsado xiddigaha taamka u ah bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier Leaue.

Hadaba wargayska Mirror ayaa soo bandhigay sida ay noqon karto shaxda Arsenal kulamada ugu horeeya ee horyaalka premier League.

Arsenal: Leno; Chambers, White, Gabriel, Tierney; Lokonga, Xhaka; Pepe, Smith Rowe, Aubameyang; Lacazette

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Source link