Home Ciyaaraha Sevilla Oo Chelsea U Sheegtay Xiddiga Ay Doonayso In Ay Ku Hesho...

Sevilla Oo Chelsea U Sheegtay Xiddiga Ay Doonayso In Ay Ku Hesho Saxiixa Jules Kounde – Banaadirsom

Banaadirsom Sevilla ayaa lagu soo waramayaa in ay chelsea u sheegtay in ay doonayso in uu xiddiga Andreas Christensen ka qayb ahaado heshiiska ay Blues ku doonayso saxiixa daafaca dhexe ee Jules Kounde.

Kounde ayaa la sheegayaa in uu wadahadalo horumar leh kula jiro chelsea laakiin Sevilla ayaa doonaysa in ay hesho lacagta 68-ka milyan ee lagu bur-burinayo heshiiska daafaca.

Blues ayaa Kurt Zouma ka qayb dhigtay dalabkeedii ugu horeeyay ee ay ku doonaysay saxiixa daafaca Kounde laakiin Sevilla ayaa diiday dalabkaas halka uu Zouma sidoo kale iska diiday ku biirista Sevilla.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Sevilla chelsea ka doonayso saxiixa xiddiga Christensen maadama uu tababaraha kooxdu taageero weyn u yahay saxiixa xiddiga reer Denmark.

Si kasta ha ahaatee chelsea ayaa diiday in ay fasaxdo xiddiga reer Denmark iyaga oo waliba doonaya in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga daafaca ka ciyaara.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Source link