Home Ciyaaraha Sergio Aguero Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Doonayo Ka Tagista...

Sergio Aguero Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Uu Doonayo Ka Tagista Barcelona Kadib Bixitaankii Lionel Messi. – Banaadirsom

Weeraryahanka Barcelona Sergio Aguero ayaa ka jawaabay warka sheegaya inuu doonayo inuu ka tago Banaadirsom Barcelona waliba kansalo heshiiska uu ugu soo biiray Banaadirsom kadib bixitaankii xiddiga Lionel Messi.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday khamiistii la soo dhaafay, bixitaanka Lionel Messi, ka dib markii uu fashilmay heshiiskii cusbaa ee uu u saxiixayay Banaadirsom Sabab la xidhiidha xeerka dhaqaale wanaaga La Liga.

Waxa shalay Sabtidii soo baxay warar sheegaya in uu Aguero ka niyad jabsanyahay bixitaanka Messi waliba doonayo in uu isaga tago Banaadirsom Barcelona bilo yar kadib markii uu ku soo biiray Banaadirsom.

Laakiin Sergio Aguero aya arintaas beeniyay kadib waraysi uu siiyay saxafi xilli uu ka soo baxayay Guriga Lionel Messi oo uu u aaday si uu u macasalaameeyo xiddiga ay isku dalka yihiin.

Saxafiga ayaa Aguero waydiiyay” Waxa la sheegayaa in aad doonaysid in aad ka tagtid Barcelona?”, Aguero ayaa ku jawaabay”Ha wel-welin, halkan ayaan sii joogi doonaa muddo dheer”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 6 Sabab Oo Ay Gabadhu Uga Boodo Ninka Kulanka Ugu Horeeya, Iska Ilaali Ninow In Aad Ku Dhacdid

Source link