Home Ciyaaraha Saxiixyada Ugu Fiican Ee Ay Sameeyeen Kooxaha Premier League Ilaa Haatan Suuqa...

Saxiixyada Ugu Fiican Ee Ay Sameeyeen Kooxaha Premier League Ilaa Haatan Suuqa Xagaagan – Banaadirsom

Bilaabashada Horyaalka premier League ayay inga xigtaa muddo aad u yar kooxaha premier League ayaana sameeyay saxiixyada ay ku xoojinayaan kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Waxa haatanba horyaalka yimid xiddigo cusub kuwaas oo la filayo in ay wax weyn ku soo kordhiyaan kooxohooda bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Shabakada PA News ayaa soo saartay shanta saxiix ee ilaa haatan ugu fiican ee ay kooxaha premier League sameeyeen ilaa haatan.

Raphael Varane (Manchester United)

Xiddiga 4-ta champions League ku guulaystay ayaa noqon doona xiddig Man United ah kadib markii ay Red Devils Real madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga reer France kaas oo ku kacaya lacag dhan 50 milyan oo euro.

Ben White (Arsenal)

Banaadirsom Arsenal ayaa dhankeeda baanka u jabisay daafaca reer England kaas oo ay doonayso in ay ku xaliso dhibaatada daafac ee Banaadirsom haystay sanadihii ugu dambeeyay waxana ay White ka dhigtay saxiixyada ugu qaalisan suuqa xagaagan.

Ibrahima Konaté (Liverpool)

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay dhaawac dhanka daafaca ah wixii ugu horeeyay ee uu Klopp sameeyay ayaana ah in uu xoojiyo daafaciisa kuna soo daro kooxdiisa daafaca dhexe waxana uu keenay xiddiga Ibrahima Konaté kaas oo ay ka soo bixisay kooxdu 35 milyan oo euro.

Jadon Sancho (Man United)

Kadib sanad ay ku raad joogtay saxiixiisa Banaadirsom Man United ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer England iyaga oo kula soo wareegay lacag dhan 72 milyan oo euro kana dhigtay saxiixyadeda ugu qaalisan.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Source link