Sawirro”Mucjiso lagu arkey New Zealand ka dib werardii dadka badan ku dhinteen

New Zealand (Banaadirsom)-Booliska dalkaasi waxay qalabka qarxa iyo rasaas ka heleen dhismo aan la degganayn oo ku yaalla magaalladda Christchurch, oo bartamihii bishii hore lagu dilay 50 qof oo Muslimiin ah, labaatameeyo kalena lagu dhaawacay.

Boliska waxay sheegeen inay soo xireen Nin 33 jir ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu lahaa waxyaabaha qarxa ee maanta laga helay Christchurch.

Khubarada ku takhasuctay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inay kala furfureen qaraxii, iyadoo inta uu hawlgalkaasi socday dadweynaha laga daad-gureeyey dhismooyinka u dhowaa goobta laga helay waxyaabaha qarxa.

Ma cadda halka lala maaganaa in qaraxaasi lala beegsado, waxaan socda baaritaano ooggan.