Home Wararka Maanta Sawirro:Gudoomiye Cirro dhoolatuskiisa Siyaasadeed Ee Mucaaradka Maxaa laga Fahmay?

Sawirro:Gudoomiye Cirro dhoolatuskiisa Siyaasadeed Ee Mucaaradka Maxaa laga Fahmay?

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal mudane Maxamed Hassan Maxamed Ciro, Gudoomiye ku xigeenka Guddiga iyo xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa maanta hoygiisa ku booqday murashax madaxweyne Abdiqadir Cosoble Cali, waxayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa in wadanka ay uga dhacdo doorasho daah furan oo xasiloon,  isagoona guddiga usoo jeediyay talooyin iyo  dardaaran masuuliyadeed, wuxuu  guddiga ku booriyey in markasta ay xil iska saaraan cadaaladda iyo daahfurnaanta doorashada.

Waa talaabo kale oo ka mid ah qorshaha guddiyadu ay doonayaan in ay kula kulmaan dhammaan murashaxiinta madaxtinimada, si loo dardar geliyo wada shaqaynta guddiyada iyo dhinacayda kala duwan ee danaynaya siyaasadda.

Cosoble ayaa ka mid ah murashaxiinta ugu saameynta badan sanadkaan lacag badana ku bixinaya inuu guuleysto.

    

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbi siyaasadeedka Sahan C/kiriin Xuseen Guuleed oo kusugan Nairobi ayaa waxa uu maanta Aalada Zoom-ka kulan kula yeeshay Xubnaha Guddiga Doorashada Heer federaal uu hogaaminayo Maxamed Xasan Cirro.

Siyaasad ahaan waxay Nabad iyo Nolol Adeegsaneysaa dhul seexasho siyaasadeed,sida ay tilmaamayaan arimaha socda.,ayna qorshaheeda Villa Soomaaliya adeegsaneyso cirro oo dhoolatus sameenaya si loo aamino doorashada la qabanayo.

Source link