Home Wararka Maanta Sawirro:Guddiga doorashada heer federaal oo hal arrin ka balan-qaaday Musharaxiinta saameynta leh

Sawirro:Guddiga doorashada heer federaal oo hal arrin ka balan-qaaday Musharaxiinta saameynta leh

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay guddiga doorasada heer federaal iyo xubno metelayey Midowga musharaxiinta Madaxweynaha oo socda ee Somalia.

Kulanka labada dhinac ayaa la xiriiray isbarasho, sidii loo abuuri lahaa jawi kalsooni leh iyo ka wada shaqeynta doorasho cadaalad ah oo dalka ka kadhacda.

Xubnaha Musharaxiinta ku metelayey kulankaas ayaa waxaa ka mid ahaa Xassan Cali Khayre, Xassan Shiikh Maamuud iyo xubno kale.

“Waxannu xalay la kulannay Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha JFS, si ay noo siiyaan kalsoonida buuxda ee wada shaqeynta Guddida Doorashooyinka Heer Federal iyo Murashixiinta,  Waxa ay noo ballan qaadeen in ay si aan hagrasho lahayn noola shaqeyn doonaan isla markaana noo garab taagnaan doonaan muddada xilka” ayuu yiri Danjire Axmed Safiina oo ka mid ah guddiga doorashooyinka heer federaal.

“Dhankayaga waxa aannu balan qaadnay in Guddiga Doorashada Heer Federaal ku shaqeyn doono hannaan ku dhisan Caddaalad, nidaam ku qotoma ban-yaalnimo oo ay weheliso hufnaan shaqo, iyo isxilqaan joogta ah” ayuu hadalkiisa ku soo xiray danjiraha.

Source link