Home Wararka Maanta SAWIRRO: Qaraxii Lagu weeraray Farxaan Qaroole & Khasaaro Xoogan oo ka dhashay

SAWIRRO: Qaraxii Lagu weeraray Farxaan Qaroole & Khasaaro Xoogan oo ka dhashay

Inkastoo weli ciidamada Booliska ay diidan yihiin in laga ag dhawaado goobta qaraxu ka dhacay hadana waxaa lasoo sheegayaa in khasaaro xoogan uu ka dhashay weerarkaasi.

Gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay ayaa lagu weeraray Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) inkastoo uu ka bad baaday.

Warar ay Badweytims ogaatay ayaa sheegaya in Askar katirsaneyd ilaaladiisa ay ku waxyeeloobeen qaraxa iyo shacab kusugnaa meesha.

Si Cad weli looma tiro koobin khasaaraha inta uu la eg yahay hayeeshee Sawirro lasoo qaaday waxaa la arki karay goobo ganacsi oo bur bur xoogan soo gaaray.

Afhayeenka Booliska Sadiiq doodisho oo aan la xiriirnay waxa uu sheegay in dib ay faah faahin kasoo gudbin doonaan ayna weli wadaan xog uruurinta qaraxa.

Wariyeyaal meesha tegay ayaa inoo sheegayin banaadirsom dab damiska gobolka Banaadir ay ku guuleysteen daminta hanti ku gubatay qaraxaasi oo ka dhacay Isgoyska Banaadir.

 

Source link