Home Ciyaaraha Saul Niguez Oo Loo Soo Bandhigay Kooxaha Premier League, Qaab Noocee Ah...

Saul Niguez Oo Loo Soo Bandhigay Kooxaha Premier League, Qaab Noocee Ah Ayay Ku Heli Karaan. – Banaadirsom

Wakiilada xiddiga Atletico Madrid ee Saul Niguez ayaa lagu soo waramayaa in ay la soo xidhiidheen kooxo dhawr ah oo premier League sh si ay ugu soo bandhigaan saxiixa xiddiga kadka dhexe kaas oo lagu heli karo qaab amaah ah.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa xiddig muhiim ah ka ahaa kooxda Atletico Madrid xilli ciyaareedkii hore isaga oo ciyaaray 41 kulan tartamada oo dhan laakiin waxa la sheegayaa in suuqa la dhigay xagaaga.

Kooxaha Chelsea, Man United iyo Liverpool ayaa dhamaantood xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe kaas oo ka baxay qorshaha kooxda ee xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Wakiilada Sual ayaa la xidhiidhay kooxo premier League ah si ay amaah ugu soo bandhigaan saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer Spain ayaa kooxda Atletico Madrid u dhaliyay 43 gool 20 kalena caawiye ka noqday 338 kulan oo uu u saftay Atletico Madrid tan ilaa 2012.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link