Home Wararka Maanta Sarkaal katirsan Al Shabaab oo u gacan galay ciidanka Dowladda

Sarkaal katirsan Al Shabaab oo u gacan galay ciidanka Dowladda





Wasaaradda amniga Galmudug ayaa soo bandhigtay Shabaab Sare oo isa soo dhiibay.

Qoraalka hoose ka akhriso

Mid ka mid ah maleeshiyaadka argagixisada Shabaab oo lagu magacaabo; Cabdullaahi Macallin (Foodcadde) oo ka mid ahaa Shabaabkii ka firxaday dagaalka ka socda koofurta Gobolka Mudug ayaa isku dhiibay ciidamada XDS ee ku sugan aagga Baydhabo.

Cabdullaahi Foodcadde sida uu sheegtay wuxuu argagixisada Alshabaab u qaabilsanaa xabsiyada, wuxuuna xusay jabkii cuslaa ee kooxdiisii uu ka tirsanaa ka soo gaaray dagaaladii ay la galeen ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ee looga qabsaday deegaanno badan oo ay ka talin jireen.

Sida la og-yahay firxadka argagixisadii dagaalka ku gashay gobolka Mudug ayaa gaaray gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah, waxaana jira tiro argagixisada ka mid ah oo weli dhuumaalaysi ku jirta kana cararay saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

 




Source link