Home Wararka Maanta Sargaal saaxiib ahaayeen Saadaq Joon oo dagaalkii saaka Camaara lagu dilay

Sargaal saaxiib ahaayeen Saadaq Joon oo dagaalkii saaka Camaara lagu dilay

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka waaberigii ka dhacay deegaanka camaara ee gobolka mudug,halkaasi oo ay Al shabaab weerar ku ekeeyeen.

Si gaar ah dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano kalabeyrka oo ah meel kulmisa waddooyinka laga kala aado camaara,Sirgo iyo Bacaadweyne.

Taliska ciidamada Xoogga dalka qeybta 21aad ayaa saraakiil katirsan waxay sheegeen in laga hortegay hujuumka ay argagaxisada soo qaadeen sida ay warka udhigeen.

Taliska Meliteriga Soomaaliya ayaa sheegay in khasaaro xoogan lagu gaarsiiyey Al Shabaab meydadkoodana lagu arkay deegaanka meelo ka mid ah.

Dhinaca Al Shabaab waxay warbaahintooda internet-ka kusoo daabaceen in 14 gaari oo qaarkood ahaayeen kuwa dagaalka ku qabsadeen weerarkii camaara ay ku qaadeen.

Ka hor dagaalka inta uusan bilaaban waxaa la maqlay qaraxyo ismiidaamin ah,iyadoo dadka deegaanka oo reer miyi ubadan aysan warar ka madax banaan dhinacyada dagaalamay aysan saxaafada la wadaagin.

Sargaal katirsan meliteriga Soomaaliya ayaa sheegay in meydadka Shabaabkii weeraray Camaara maanta ay soo bandhigi doonaan.

Gaashaanle Axmed Bad maceeye ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay dagaalkii saaka Camaara waxaana sargaalkaasi uu aad ugu dhawaa general Saadaq Joon.

Ma jirto tiro rasmi ah oo laga helay dagaalkaasi iyo inta ku dhimatay labada dhinac waxaana ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay sheegeen in dib uqabsadeen Camaara.

Dhowr jeer ayey gacan ku heynta Camaara isku bedeshay Ciidamada Xoogga Dalka oo ay kaabayaan kuwa daraawiishta Galmudug iyo mar Al Shabaab ay qabsanayeen.

 

Source link