Home Ciyaaraha Saka Mise Grealish? Jose Mourinho Oo Doortay Xiddiga Uu Ku Bilaabi Lahaa...

Saka Mise Grealish? Jose Mourinho Oo Doortay Xiddiga Uu Ku Bilaabi Lahaa Shaxda England. – banaadirsom

Tababaraha banaadirsom Roma ee Jose Mourinho ayaa sheegay in uu tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ku bilaabi doono shaxdiisa xiddiga da’yarka ah ee Bukayo Saka kulanka Denmark ee semi-final-ka euro 2020 laakiin uu isagu sheegay in uu doorbidayo in uu ku bilaabo xiddiga Jack Grealish.

Xulka England ayaa ka hor iman doona xulka Denmark kulan ka tirsan Semi-final-ka 2-aad ee tartanka Euro 2020 kulan ka dhici doona Wembley.

Xiddiga Bukayo Saka ayaa la filayaa in uu ku bilowdo shaxda xulka qaranka Engand kadib markii uu seegay kulankii Ukraine sabab la xidhiidha dhaawac uu qabay.

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Cid walba way ogtahay in aan jecelshahay Grealish”.

“Waan jecelahay sababta oo ah marna isma qariyo waxana uu abuuraa isku dheelitirnaan dhinaca daafaca iyo weerarka ah sidoo kale waa xiddig muujiya geesinimo waxana aan u malaynayaa in uu xulka England u baahanyahay isaga”.

“Waxa waajib ah in uu Grealish ku bilowdo ciyaarta sbabta oo ah waxa uu banaadirsom ku soo darayaa wax weyn”ayuu sii raaciyay.

Source link