Home Ciyaaraha Sadio Mane Oo Rikoodh Cajiib Ah Kala Baxay Kulankii Ay Liverpool Garaacday...

Sadio Mane Oo Rikoodh Cajiib Ah Kala Baxay Kulankii Ay Liverpool Garaacday Burnley. – Banaadirsom

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka dhacay ANfield kana tirsanaa todoabadkii 2-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Diogo Jota iyo Sadio Mane ayaa Liverpool ka caawiyay in ay gaadho guul ay u qalmeen waliba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa kadib markii uu baas cajiib ah ka helay xiddiga Trent Alexander-Arnold Kaas oo siiyay baas wareer ah.

Kadib goolkaas Sadio Mane ayaa noqday xiddigii 5-aad ee Liverpool ee Anfield ku dhaliya 50 gool iyo wax ka badan horyaalka premier League isaga oo liiska kula biiray xiddigo halyeeyo ah.

Xiddigaha kale ee Sadio Mane kaga horeeyay rikoodhkaas ayaa ah xiddigaha Robbie Fowler, Steven Gerrard, Michael Owen Iyo Mohamed Salah.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link