Home Arimaha Bulshada Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid...

Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.


Jacaylku meel gaar ah ayuu ku leeyahay dadka intiisa badan, gaar ahaan marka uu qofku jecelyahay qof kale una baahan yahay inuu dareenkiisa u muujiyo.

Laakiin qirashada dareenku ma ahan wax fudud, iyada oo ay daraasado badan cadeeyeen in hanaanka muujinta jacaylka marka ugu horaysa ay la xidhiidho cabsi iyo waliba wel-wel kala duwan iyada oo ay ku xidhantahay shakhsiyadda qofka.

Sidaa darteed, khubaradu waxay guud ahaan ku taliyaan in uu qofku isku diyaariyo jawaabta Haa, ama Maya iyo waliba in uu qofka kale siiyo wakhti uu kaga fikiro arinta kuna go’aamiyo waxa xiga.

Hadaba waxa aan maanta halkan ku soo bandhigi doonaa 3-da wado ee ugu fiican ee aad jacaylkaaga ugu soo bandhigi kartid qofka aad jeceshahay adiga oo aan dareemin xishood ama ceeb.

1.U Hadal si Cad Oo Waliba Lama Filaan Ah:

Waqtiga uu qofku u diyaar garoobayo muujinta jaceylkiisa, waa inuu si toos ah oo daacad ah u hadlo, Xaaladdan oo kale, qofku uma baahna inuu ka fekero wax cabsi iyo waliba qurxin ku saabsan noloshiisa, Ugu dambayn, daacadnimada waxaa loo tixgeliyaa sida ugu gaaban, ugu nadiifsan, iyo habka ugu wanaagsan ee lagu muujiyo ujeedada aad doonaysid, hadaba si aad uga fogaatid ceebta waa in aad adeegsato lama filaanka adiga oo dooranaya wakhtiga iyo goobta saxda ah ee aad qofka ugu bandhigayso jacaylkaaga.

2.Caddayn la’aanta iyo adeegsiga is -beddelka:

Xaaladdan oo kale, qofku, qofka kale ee uu jecelyahay ma ahan in uu jacaylkiisa ugu soo bandhigo kalmado toos ah, laakiin waain uu adeegsado ficilo aan toos ahayn iyo maahmaahyo taas oo qofka kale ka dhigaysa inuu si dhab ah u ogaado jaceylka uu u qabo laakiin qodobkan ayaa u baahan in uu qofka loo soo bandhigayo jacaylku fahmi karo maah-maaha iyo waxa uu qofka kale u sheegayo.

3.Waddo Caruureed:

Qodobkan waxa loo yaqaanaa “waddo caruureed” sabab la xidhiidha dududaanshaha sida loo samaynao, marka laga yimaado daacadnimada, waxa fician in aad qofka aad jeceshahay u dirtid fariin kaftan ah oo muujinaysa jacaylka hadii ay tahay mid toos ah ama mid maldahan, adiga oo qofka aad jeceshahay u diraya hadiyada aan lahayn faa’iido laakiin ah mid uu ku qosli karo.

Hadaba soo bandhigista jacaylka ayaa ah mid naxdin badan wadadana waa mida ugu fiican ee aad kaga fogaan kartid ceeb iyo diidmo.

Source link