Home Ciyaaraha Saddex Xiddig Oo Man City Ah Oo Cristiano Ronaldo Ku Qancinaya In...

Saddex Xiddig Oo Man City Ah Oo Cristiano Ronaldo Ku Qancinaya In Uu Yimaado Etihad Staduim – Banaadirsom

Mustaqbalka xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa wali la isla dhexmarayaa xilli si weyn loola xidhiidhinayo ku soo laabashada premier League.

Ronaldo ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Juventus xilli lagu heli karo lacag aad u jaban marka loo eego in uu heshiiskiisa kooxdu dhici doono xagaaga dambe.

Shabakada Goal ee caalamiga ah ayaa sheegaysa in uu Cristiano Ronaldo la xidhiidhay xiddigaha Bernardo Silva, Ruben Dias iyo Joao Cancelo isaga oo kala hadlay kooxda Man City.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa la hadlay xiddigaha ay isku dalka yihiin kuwaas oo ku qancinaya in uu kula biiro Etihad inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay bixiso mushaharka xiddiga laakiin ayna diyaar u ahayn in ay bixiyaan lacagta lagu iibin karo kooxda.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link