Home Ciyaaraha Sababta Uu Manuel Locatelli Isaga Diiday Arsenal Oo La Kashifay. – Banaadirsom

Sababta Uu Manuel Locatelli Isaga Diiday Arsenal Oo La Kashifay. – Banaadirsom

Agaasimaha Kooxda Sassuolo Giovanni Carnevali ayaa shaaca ka qaaday in Manuel Locatelli uu iska diiday u dhaqaaqista Arsenal si uu ugu saxiixo Juventus.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa la aaminsanaa in uu bartilmaameed u aha Arsenal kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa iyo xulkiisa Italy intii lagu jiray tartankii Euro 2020.

Si kasta ha ahaatee Juventus ayaa ugu dambayn ku guulaystay saxiixa xiddiga Locatelli iyaga oo kula wareegay heshiis 2 sano oo amaah ah ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin.

Carnevali ayaa xaqiijiyay in ay kooxda Arsenal si dhab ah xiiso ugu qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ka hor intii uuna ku biirin kooxda Juventus.

Isagoo la hadlaya La Gazzetta di Modena, Carnevali ayaa yidhi”Arsenal waxay noo soo bandhigtay €40m laakiin rabitaanka Locatelli wuxuu ahaa in uu aado kooxda Juventus oo kaliya waxana aan qabanay wax walba oo aan uga farxino”.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link