Home Arimaha Bulshada Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da...

Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn. – Banaadirsom


Jacaylku waa shay aad u qurux badan, dadka qaar ayaa had iyo jeer sheega in da’du ay tahay tiro oo aysan ahayn in loo tixgeliyo dhanka xidhiidhka taas oo keenta in ay Ragga qaar doorbidaan in ay xidhiidh la sameeyaan Dumarka ka da’da weyn marka loo bar-bar dhigo dumarka la da’da ah, iyada oo aad arkaysaa wiil dhalin yar ah oo 25 jir ah oo doonaya in uu xidhiidh la sameeyo dumar da’doodu tahay 35 ama 4 sano jir.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi 3 sabab oo ay Ragga dhalin yarada ah u doorbidaan in ay xidhiidh jacayl la sameeyaan dumarka ka da’da weyn:

1.Dumarka waaweyn ayaa ah kuwo madax-banaan:

Marka ay dumarku yihiin 35 ilaa 40 sano jir waa gabadh isku filan hadii ay tahay shaqo iyo lacag, sidaas darteed Ninka ayaa dareensan in ay Gabadhu isku filantahay marka loo bar-bar dhigo Gabadha da’da yar sidaas darteed Ragga ayaa doorbida dumarka da’daas jira.

2.Dumarka waaweyn ayaan ahayn kuwo is yeel-yeel badan:

Dumarka da’da yar ayaa ah kuwo kibir badan oo is yeel-yeel badan marka loo bar-bar dhigo dumarka waaweyn, Gabadha 35 ilaa 40 sano jirka ah ayaa si fiican ula socoto nolosha sidaas darteed waxa ay maamulaysaa nafteeda si ka fiiran gabadha 20 ilaa 25 jirka ah sidaas darteed Ragga ayaa doorbida dumarka waaweyn.

3.Dumarka waaweyn oo og waxa ay donayaan:

Dumarka 35 ilaa 40 jirka ah ayaa si fiican u garanaya waxa ay ka doonayso Nolosha waxana ay Ninka si cad ugu sheegaysaa waxa ay doonayso halka ay Gabadha da’yarka ah tahay mid aan wax aqoon ah u lahayn waxa ay ka doonayso Nolosha sidaas darteed Ragga ayaa doorbida gabadh nolosha ka garanaysa waxa ay doonayso.

Source link