Home Arimaha Bulshada Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo...

Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo La Ogaaday. – Banaadirsom


Bulshada Somaliyeed gaar ahaan dumarka waxa ku soo qordhay arin la yaab leh taas oo ah in ay Dumarka dhalin yarada ah raadiyaan Nin xaasleh ah ama horay u guursaday si ay nolosha ula wadaaagaan.

Sida aan daraasad ku ogaanay inta badan dumarka somaliyeed ayaa doorbida in ay guursadaan Nin xaas kale leh ama horay u soo guursaday marka ay raadinayaan Nin ay Nolosha la wadaagaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababaha ka dambeeya in ay dumarka Somaliyeed wakhtigii ugu dambeeyay doorbidaan in ay guursadaan Nin horay u soo guursaday oo xaasle ah.

1.In Uu haysto Tababar fiican:

Marka aan ka hadlayno tababarka waxa aan ka hadlaynaa tababarka Nolosha, iyada oo Ninka xaaslaha ah uu haysto tababar dhinac walba oo nolosha ah waliba yahay Nin waayo arag ah una baahnayn tababar cusub marka loo bar-bar dhigo Ninka haatan guursanaya.

2.In Uu Yahay Nin Dul Qaad leh:

marka la is bar-bar dhigo Nin dhawr sano xaas lahaa iyo Ninka haatan guursaday, waxa u dhexeeya farqi weyn oo dhanka samirka iyo dul qaadka ah, Ninka Xaaska leh ee horay u soo guursaday ee muddo waliba xaaska lahaa waxa uu bartay samirka nolosha iyo in uu u samro gabadha sidaas darteed dumarka dhalin yarada ah ayaa doorbida Ninka horay u soo guursaday maadama uu leeyahay dul qaad iyo samir taas oo ah mida ay dumarku doorbidaan.

3.Dhanka dhaqaalaha:

Daganaanta dhanka qaalaha Ninka xaaska leh ayaa door weyn ka ciyaara ahna waliba sababta ugu weyn ee ay Gabadhu u doorbido in ay guursato Nin xaas leh oo guursaday maadama uu yahay mid msuul ah.

Source link