Home Wararka Maanta RW Rooble oo war kasoo saaray doorashada ka dhacday Puntland iyo jawahareerka...

RW Rooble oo war kasoo saaray doorashada ka dhacday Puntland iyo jawahareerka Galmudug





Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan dalka Kenya ayaa war kasoo saaray doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Puntland ka dhacday.

Dhanka kale waxa uu Ra’isul Wasaaraha ka hadlay soo xulista xubnaha u tartami doona doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo madaxweyne Qoor Qoor soo saaray.

Hoos ka akhriso

Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Dhammaan Dowlad-goboleedyada waxaan kula dardaarmayaa in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.

 




Source link