Home Wararka Maanta RW Rooble oo magacaabay Guddi nooc cusub ah oo qaabilsan qoondada haweenka...

RW Rooble oo magacaabay Guddi nooc cusub ah oo qaabilsan qoondada haweenka ee Doorashada Dadban

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Marwo Batuulo Axmed Gabale waxaana ka mid ah haween caan ku ah u doodida xuquuqda haweenka.

Ujeedada guddigan loo magacaabay waxaa ay tahay si loo hubiyo matalaadda haweenka ee goleyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Magacaabistan ayaa u soo beegantay xilli doorashada Aqalka Sare oo loo qorsheeyay inay bilaabato maanta oo ah 25ka bisha July aysan weli qabsoomin.

 

Source link