Home Wararka Maanta RW Rooble oo la kulmay Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Jubbaland

RW Rooble oo la kulmay Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Jubbaland

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Jubaland ayaa kulan kooban la yeeshay Raysal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ku amaanay kaalintii ay ka qaateen bilaabidii iyo hirgalintii Doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale Guddiga ayaa dhankooda waxaa ay uga mahadceliyeen Ra’isul wasaaraha dalka dhiirigalinta iyo soo dhaweynta ay kala kulmeen.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Magaalada Nairob ka wada kulamo kala duwan, kuwaas oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

 

Source link