Home Wararka Maanta RW Rooble oo kashifay inuusan weli soo xeroonin Dhaqaalihii Doorashada Dadban ee...

RW Rooble oo kashifay inuusan weli soo xeroonin Dhaqaalihii Doorashada Dadban ee Soomaaliya 2021





Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Nairobi.

Maxamed Xuseen Rooble ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo kaalintooda kaga aadan taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka ku bixineyso doorashooyinka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada uu ra’isul wasaare Rooble kula yeelanayo magaalada Nairobi wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula kulmay magaalada Nairobi shalay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Nairobi iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

 




Source link