Home Wararka Maanta RW Rooble oo ka hor yimid shuruudaha Farmaajo

RW Rooble oo ka hor yimid shuruudaha Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hor yimid dhowr shuruudood oo Farmaajo u soo dhiibay Maxamed Mursal iyo Axmed Qoorqoor, kuwaas oo sheegay in ay u istaageen sidii ay xal loogu raadi lahaa khilaafka labada xaafiis.

Hoggaamiyaha Galmudug iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, ayaa habeen ka hor Madaxtooyada ka dhex bilaabay waan-waan, hayeeshee, dadaalladaas ayaa qarka u saran in ay mar kale fashilmaan kadb markii Ra’iisul Wasaaruhu ka hor yimid shuruudo uu heshiiska ku xiray Farmaajo.

Sida ay caddeynayaan xogo hoose, Farmaajo, wuxuu doonayaa in la hir-galiyo Saddex qodob kuwaas oo kala ah;

In Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

In Xeer jajab lagu dhameeyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan hay’adda NISA.

In Bashiir Goobe loo magacaabo xil kale, isla-markaana uu agaasimaha NISA isagu magacaabo.

Ilo aad ugu dhow xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Rooble, ka biya diiday qodobadaas, taas oo sababtay in xalay lagu kala seexdo iyada oo aan la gaarin wax is fahan ah.

Qoorqoor, Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Al-Caddaala ayaa xalay fiidkii, go’aanka Ra’iisul Wasaaha u geeyay Farmaajo, mana jiro wax hor mar ah oo laga sameyay wada-hadallada.

Dadaallo dhex-dhexaadin oo ay sidaan oo kale, garwadeyn ka ahaayeen Lafta-gareen iyo Qoorqoor, ayaa burburay 12-kii bishaan, kadib markii Farmaajo diiday in kiiska caddaalad raadinta Ikraan loo daayo hay’adaha garsoonka, isla-markaana uu si buuxda uga horyimid magacaabidii Ra’iisul Wasaaraha ee Bashiir Goobe.

 

Source link