Home Ciyaaraha Roy Keane Oo Badalay Saadaashiisa Ku Aadan Banaadirsom Ku Guulaysan Doonta Premier...

Roy Keane Oo Badalay Saadaashiisa Ku Aadan Banaadirsom Ku Guulaysan Doonta Premier League. – Banaadirsom

Roy Keane ayaa badalay saadaashiisii ahayd in ay Man City ku guulaysan doonto premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay chelsea la soo saxiixatay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ay baanka u jabisay.

Roy Keane ayaa sheegay in saxiixa Romelu Lukaku furayo tartaka horyaalka premier League isaga oo sheegay in ay Blues haatan tahay Banaadirsom kaliya ee Man City kula tartami doonta horyaalka premier League.

Chelsea ayaa 115 milyan oo euro kula soo wareegtay iyaga oo ka keenay xiddiga Koooxda Inter Milan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu Inter kula guulaystay Serie A-da.

“Waxa aad sanad iyo labadii ugu dambeeyay raadinaysay Gool dhaliye, Romelu Lukaku waxa uu chelsea siinayaa fursad ay kula tartami karto horyaalka”ayuu Keane u sheegay The Overlap.

“Waan ogahay in ay Liverpool u soo laabanayaan xiddigo muhiim ah laakiin waxa aan aaminsanahay in uu tartanka horyaalku ka dhexeeyo Man City iyo chelsea”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Source link