Home Wararka Maanta Rooble oo qaabilay wafdigii ka socday dalka Ireland & Fariin uu udhiibay

Rooble oo qaabilay wafdigii ka socday dalka Ireland & Fariin uu udhiibay





Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

Simon oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxa uu dib ugu laabtay Nairobi halkaasi uu markii hore ka yimid iyadoo berriberrya ballansan yahay Uhuru Kenyatta uu la kulmi doono.

 




Source link