Rooble oo Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta Ceelwaaq





Muqdisho (Banaadirsom) – Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ra’isulwasaare Rooble uu guddoomiye Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood Maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo adayo xilli Maanta ay xildhibaanada baarlamaanka khudbado u jeediyeen musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Rooble iyo Guudlaawe ayaa ka wada hadleen dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabeelle iyo qodobbo kale.

Ra’isulwasaare Rooble iyo Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa ku dhagay kursiga HOP#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin kaasoo laga soo doortay Hirshabelle, lamana xaqiijin karo haddii kulankaan uu xiriir la leeyahay kiiskaas.










Source link