Home Wararka Maanta Rooble iyo Axmed Madoobe oo wada gudoomiyey shirka Wasiirada Jubaland + Sawirro

Rooble iyo Axmed Madoobe oo wada gudoomiyey shirka Wasiirada Jubaland + Sawirro

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedeeraalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan gudaha Kismaayo iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si wadajir ah u guddoomiyey shirka wasiirada maamulkaasi.

Shirka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo qeyb ka ah socdaalka Rooble ee magaalada Kismaayo.

Intii uu socday waxaa shirkan diirada lagu saaray xaaladda Jubbaland iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo ka dhacaya magaalooyin ka tirsan maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka golaha wasiirada Jubbaland oo ka duwanaa sidii hore lagu soo hadal qaaday sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta wasaaradaha xukuumada federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay bah-wadaag wada yihiin.

Rooble oo shalay gaaray degmada Kismaayo ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaasi, wuxuuna xalay la kulmay siyaasiyiinta Jubbaland ee kasoo jeedo gobolka Gedo, isaga oo kala hadlay dadaallada uu wado xafiiskiisa ee ku aadan dib u heshiisiinta gobolkaasi.

Waxa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu booqday meelo ay ka mid ah tahay dekedda magaallo xeebeedka Kismaayo, isaga oo uu wehlinayey Axmed Madoobe.

Waa safarkii ugu horreeyey ee Rooble ku tego Jubbaland, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna safarkan qeyb ka yahay socdaallo kala duwan oo horay ugu tegay xarumaha dowlad goboleedyada kale ee ka jira gudaha Soomaaliya.

 

Source link