Home Ciyaaraha Ronaldo,Benzema & Sababaha Uu Kylian Mbappe Doonayo In Uu Ugu Biiro Real...

Ronaldo,Benzema & Sababaha Uu Kylian Mbappe Doonayo In Uu Ugu Biiro Real Madrid. – Banaadirsom

Hadda waa lama huraan in Kylian Mbappe uu noqdo ciyaaryahan Real Madrid ah, iyadoo weeraryahanka Paris Saint-Germain uu qarka u saaran yahay inuu midkood dhaqaaqo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaaga ama uu si xor ah ugu biiri doono xagaaga soo aadan.

Halkaan, waxaan ku soo bandhigaynaa sababaha 22-jirkaan uu aad u doonayo in uu ugu biiro kooxda Los Blancos.

Waa Maxay Sababta uu u diidayo Dalab Aad u Weyn Una Aqbalayo mid aad u liita?

Dhanka Mbappe, u dhaqaaqista Estadio Santiago Bernabeu waxay u noqon doontaa dhammaystirka riyada carruurnimada.

Jaceylka uu u qabo kooxda tan iyo markii uu yaraa ayaa ka muuqday sawirka isaga oo fadhiya qolkiisa jiifka, waxaana ku hareereysan sawirro xusuusta Real Madrid – gaar ahaan sawirrada Cristiano Ronaldo.

Mbappe waxaa dhiirrigeliyay dareenkan, waana mid ka awood weyn lacagta ay kooxda PSG ugu soo bandhigtay si ay heshiis cusub uga saxiixato uguna sii hayso garoonka Parc des Princes.

Maka Tagi Doonaa Koox ku jirta heerkeedii ugu saraysay ka dib imaanshaha Ramos iyo Messi?

Mbappe wuxuu soo bandhigay xirfadiisa oo dhan inuu haysto fikrad aad u cad oo ku saabsan jihada uu doonayo inuu mustaqbalkiisa ku qaato.

Xagaagii 2017, weeraryahankii xilligaas ee Monaco ayaa fursad u helay inuu ku biiro Real Madrid, laakiin isagoo og in uuna heli doonin fursad uu isku muujiyo waliba mar walba ka dambayn doono xiddigaha Gareth Bale, Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo waxa uu doortay in uu ku biiro PSG.

Hadda, wuxuu ogyahay inuu ku faraxsanaan doono Real Madrid waayihiisa ciyaareed maadama uu heli doono fursad uu ku ciyaaro marka loo bar-bar dhigo awooda xiddigaha ay PSG Uruursatay.

Maxa Waxa Uu Iska Luminayaa Fursad Uu Kaga Garab Ciyaaro Messi?

Jawaabta oo fudud, Haa. Mbappe ayaa horay isaga diiday fursad uu kaga garab ciyaari lahaa Halyeeyga uu taageero ee Cristiano Ronaldo markii uu joogay Real Madrid waxana uu haatan diyaar u yahay in uu sidaas oo kale ku sameeyo Lionel Messi.

In kasta oo uu jiro 22 sano, haddana wuxuu muujiyey inuusan ka cabsanaynin inuu qaado mas’uuliyadda sidaas darteedna wuxuu raadinayaa inuu doorkaas ka qaato Real Madrid.

Muxuu raadinayaa inuu la gaaro Real Madrid?

Ma aha oo kaliya inuu Rumeeyo riyadiisii caruurnimo ee ahayd in uu ku biiro Real Madrid, laakiin wuxuu kaloo qaadan doonaa door hoggaamineed oo muhiim ah, kaasoo uu awoodi waayay inuu sameeyo intii uu joogay Paris.

Ku biirista Real Madrid ayaa siineysa fursad uu ku noqon karo xiddiga ugu weyn kooxda, taasoo ah wax uu aad u jecel yahay.

Goorma ayuu ku qancay inuu Raadiyo ku biirista Real?

Karim Benzema ayaa kaalin asaasi ah ka qaatay in uu Mbappe iska diido heshiiska cusub ee PSG, xilli ay labada xiddig si joogto ah uga wadahadaleen Arimaha Real Madrid intii ay wada joogeen Euro 2020 xagaagan.

Doorka muhiimka ah ee Benzema ayaa sii socon doona isaga oo taageero joogto ah siinaya xiddiga Mbappe inkasta oo uu weeraryahanka da’yarka ah haatanba muujiyay in uu leeyahay shaqsiyada guulo la gaadhi karta Real Madrid.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link