Home Ciyaaraha Ronaldo, Salah, Haaland, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga...

Ronaldo, Salah, Haaland, Griezmann & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga – banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

banaadirsom Man City ayaa wali doonaysa saxiixa xiddigaha Jack Grealish iyo Harry kane inkasta oo ay labada kooxood ee Tottenham iyo Aston Villa ku adkaysanayaan in ayna labada xiddig iib ahayn (The Athletic).

Si kasta ahaatee Xiddiga Jack Grealish ayaa wali la filayaa in uu heshiis cusub u saxiixo banaadirsom Aston Villa (Birmingham Mail).

banaadirsom Real Madrid ayaa sii haysan doonta Gareth Bale hal xilli ciyaareed oo kale iyada oo ayna kooxdu helin wax dalab ah oo lagu doonayo xiddiga (Mundo Deportivo).

banaadirsom Arsenal ayaa heshiis afka ah la gaadhay banaadirsom Brighton kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga Ben White (The Athletic).

banaadirsom Man United ayaa Roma u diiday in ay helaan saxiixa daafaca Bidix ee Alex Telles (Sky Sports).

banaadirsom Inter Milan ayaa kor u qaaday dadaalka ay ku doonayaan saxiixa daafaca Midig ee banaadirsom Arsenal ee Hector Bellerin (Sun).

Xiddiga Cristiano Ronaldo oo lala xidhiidhinayay banaadirsom PSG iyo Man United ayaa sii joogi doona banaadirsom Juventus xilli ciyaareedka dambe (Gazzetta dello Sport).

Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ku jira wadahadalo ay isku dhaafsanayaan xiddigaha Saul Niguez & Antoine Griezmann (AS).

banaadirsom Atletico Madrid ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga Antoine Griezmann laakiin kooxaha chelsea, Man City iyo Liverpool ayaa sidoo kale xiiso u qaba saxiixa xiddiga (90min).

banaadirsom Liverpool ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga banaadirsom Lyon ee Houssem Aouar sidoo kale banaadirsom Man United ayaa doonaysa saxiixiisa (ESPN).

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Kieran Trippier ayaa rajo ka qaba in uu xagaagan ku biiri doono banaadirsom Man United (Manchester Evening News).

banaadirsom Arsenal ayaa dib ugu laabanaysa baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe ee banaadirsom Real Madrid ee Martin Odegaard (Mirror).

banaadirsom Man City ayaa si Rasmi ah suuqa u dhigtay xiddiga Raheem Sterling si ay u hesho lacag ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Harry Kane (Telegraph).

banaadirsom Juventus ayaa doonaysa in ay xagaaga dambe u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Erling Haaland si ay ugu buuxiyaan booska Cristiano Ronaldo (The Sun).

banaadirsom Real Madrid ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah kadib markii ay ka quusatay saxiixa xiddiga Kylian Mbappe (AS).

Source link