Home Ciyaaraha Ronaldo, Messi, lahovic, Pogba, Haaland, Mbappe, Abraham & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee...

Ronaldo, Messi, lahovic, Pogba, Haaland, Mbappe, Abraham & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga. – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Banaadirsom Tottenham ayay ka go’antahay in ay sii haysato xiddiga Harry kane ugu yaraan xilli ciyaareedkan iyaga oo Tottenham u sheegay in ayna wakhtiga isaga lumin dalab ay ka gudbiyaan saxiixiisa (Telegraph).

Kabtanka xulka qaranka England ayaa dhankiisa qirtay in uu sii joogi doono Banaadirsom Tottenham xilli ciyaareedkan (Times).

Banaadirsom Tottenham ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka Banaadirsom Fiorentina ee Dusan Vlahovic si ay ugu badasho Harry kane, laakiin Tottenham ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga xitaa hadii uu Kane sii joogo Banaadirsom (Gazzetta dello Sport).

Harry Kane ayaa Sabtidii la kulmay tababare Nuno Espirito Santo waxana uu u sheegay in uu wax walba u samayn doono sidii uu u caawin lahaa Banaadirsom Tottenham hadii uuna ka tagin Banaadirsom (Telegraph).

Xiddiga Banaadirsom chelsea ee Tammy Abraham ayaa ogolaaday in uu ku biiro Banaadirsom Roma isaga oo iska diiday ku biirista Banaadirsom Arsenal (Sky Sport Italia).

Xiddiga khadka dhexe ee Man United Paul Pogba ayaa go’aansaday in uu qaab xor ah ugu biiro Real Madrid marka uu dhamaado heshiiskiisa Man United xagaaga (Sunday).

Xiddiga Banaadirsom Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa la sheegay in uu ku riyoonayo in uu ku biiro Horyaalka premier League (Sky Sports).

Banaadirsom Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 120 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga PSG ee Kylian Mbappe (AS).

Banaadirsom Arsenal ayaa ku dhaw in ay Real Madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard si ay ugu xoojjiyaan khadka dhexe ee Banaadirsom xilli ciyaareedka cusub (Mirror).

Laakiin Arsenal ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Houssem Aouar hadii ay ku fashilanto saxiixa xiddiga Martin Odegaard (Sun).

Weeraryahanka Banaadirsom PSG ee Mauro Icardi ayaa doonaya in uu isaga tago Banaadirsom PSG si uu ugu biiro Banaadirsom Juventus suuqa xagaagan (Todo Fichajes).

Banaadirsom Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Inter Milan ee Lautaro Martinez kadib markii laga badiyay kulankii ugu horeeyay ee premier Leaue (Sportmediaset).

Banaadirsom Tottenham ayaa la sheegayaa in ay ku guulaystay saxiixa xiddiga xiddiga weerarka uga ciyaara Banaadirsom Napoli ee Lorenzo Insigne laakiin heshiis walba oo dhacaya aya la joojiyay haatan (Express).

Xiddigii hore ee Banaadirsom Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa loo soo bandhigay kooxaha premier League waxana la xidhiidhinayaa kooxaha Wolves, West Ham & Leicester (Sun).

Banaadirsom PSG ayaa lagu soo waramayaa in ay dajisay qorshe ay xilli ciyaareedka dambe isaga garab ciyaarsiin doonto xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi (Mirror).

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link