Home Ciyaaraha Ronaldo, Kane, Haaland, Traore, Aouar, Locatelli, Xhaka & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee...

Ronaldo, Kane, Haaland, Traore, Aouar, Locatelli, Xhaka & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah u dhamaaday xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana ay kooxaha reer yurub bilaabayaan qorshaynta suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha ay doonayaan in ay la soo saxiixdaan inta uu suuqu furanyahay si ay ugu xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha reer yurub iyo waliba xiddigaha ayaa bilaabaya indha-indhaynta xiddigo iyo kooxo cusub oo ay ka ciyaaraan xilli ciyaareedka dambe iyada oo kooxuhu haatan la saxiixan karaan xiddigaha ay doonayaan.

Inkasta oo uu suuqu furmi doono bilowga bisha dambe hadana kooxaha ayaa dhamaystiri kara saxiixyada xiddigaha ay doonayaan maadama uuna jirin horyaal furan oo ay xiddiguhu diirada saari doonaan.

Hadaba waxa aan maalin walba si joogto ah idiinku soo bandhigi doonaa wararka xiddigaha iyo kooxaha kala duwan ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Man City ayaa todobaadkan markii ugu dambaysay isku dayi doonta in ay la saxiixato xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane (Telegraph).

Kooxda Tottenham ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Wolves ee Adam Traore inta lagu jiro suuqa xagaagan (Telegraph).

Kooxaha premier League ayaa helay dhiiri galin ku aadan saxiixa xiddiga Erling Braut Haaland kadib markii la ogaaday in suuqa January lagu heli karo lacag dhan 64 milyan oo euro (Marca).

Kooxda Juventus ayaa ugu cad-cad saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee  Houssem Aouar (Calciomercato).

Agaasimaha kooxda Sassuolo ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Manuel Locatelli iska diiday Arsenal si uu ugu biiro kooxda Juventus (Gazzetta di Modena).

Kooxda chelsea ayaa isku dayi doonta in ay todobaadka dambe dhamaystirto saxiixa xiddiga Jules Kounde (Mail).

Milkiilaha kooxda Arsenal ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Granit Xhaka heshiis cusub u saxiixay kooxda Arsenal (Mail).

Kooxda Man United ayaa u sheegtay Wolves in ay kaliya u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Ruben Neves hadii ay hoos u dhigto qiimaha 40-ka milyan ee ay ku qiimayso xiddiga (Mirror).

Kooxda Roma ayaa Roma ka doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Clement Lenglet (Corriere dello Sport).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kaliya lagu heli karaa lacag dhan 25 milyan oo euro inta lagu jiro suuqa xagaagan taas oo heegan galisay kooxda Man United (Sky Sport).

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Juventus laakiin kooxda ayaan wali helin wax dalab ah oo looga doonayo xiddiga (Sky Sport).

Kooxaha chelsea iyo West Ham ayaa ka heshiiyay qiimaha xiddiga Kurt Zouma laakiin mushaharka xiddigu uu dalbanayo ayaa halis ku ah in uu bur-buro heshiisku (Star).

Kooxda Liverpool ayaa suuqa gali doonta maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga kadib markii ay iibisay xiddiga Xherdan Shaqiri (Record).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay si lama filaan ah maalinta ugu dambaysa u dhaqaaqda saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Getafe ee Mauro Arambarri (AS).

Wakiilka daafaca dhexe ee Jules Kounde ayaa kooxda Sevilla u sheegay in ay chelsea dalab Rasmi ah ka soo gudbin doonto xiddiga maalmaha soo socda (ABC de Sevilla).

Daafaca dhexe ee kooxda chelsea ee Kurt Zouma ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Tottenham ama uu iska sii joogo Chelsea xilli ciyaareedkan (TF1).

Kooxaha Ac Milan iyo Barcelona ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva (various).

Kooxda Barcelona ayaa dhanka kale ka fiirsanaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Sevilla ee Luuk de Jong (Sport).

Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay bixiso lacag ka badan mida ay diyaarka la yihiin kooxaha Man City iyo RB Leipzig si ay Barcelona ugala wareegaan xiddiga khadka dhexe ee Ilaix Moriba (Mundo Deportivo).

Wakiilka Saul Niguez ayaa Kooxaha Premier League u soo bandhigay saxiixa xiddiga khadka dhexe xagaagan (AS).

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link