Home Ciyaaraha Ronald Koeman Oo Kashifay Marka Uu Ka Tagi Doono Barcelona. – Banaadirsom

Ronald Koeman Oo Kashifay Marka Uu Ka Tagi Doono Barcelona. – Banaadirsom

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday halka wado ee uu kaga tai doono kooxda Barcelona xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisakooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa heshay natiijooyin xun kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaared liita iyaga oo guuldaro kala kulmay Bayern Munich sidoo kale bar-baro la gashay kooxda Granada.

Kadib natiijooyinkaas waxa jira shaki weyn oo ku jira mustaqbalka tababaraha iyada oo la sheegayo in ay Barcelona shaqada ka caydhin doonto tababaraha wakhtiga soo socda.

Koeman oo ka hadlaya wararkaas ayaa yidhi”Halka wado ee aan uga tagi doono Barcelona ayaa ah marka ayna xiddiguhu helin fariimaha aan u gudbinayo”.

“Markaas ayaa ah marka aan odhan doono “Hagaaga, way iiga dhamaatay halkan laakiin arintaas hada ma jirto maalin walba waxa aan wakhti fiican la qaataa xiddigaha kooxda”.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.

Source link