Home Ciyaaraha Romelu Lukaku Oo U Jawaab Taageerayaasha Arsenal Ee Ka Dalbaday In Uu...

Romelu Lukaku Oo U Jawaab Taageerayaasha Arsenal Ee Ka Dalbaday In Uu Ku Biiro Gunners – Banaadirsom

Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday inuusan waligiis ku biiri doonin kooxda Arsenal kadib guushii 2/0 ahayd ee ay chelsea ka gaadhay Gunners kulan ka dhacay Emirates Stadium.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku soo laabtay chelsea todobaadkii hore isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 97.5 milyan euro kagana soo biiray kooxda Inter Milan.

Lukaku ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay isaga oo dhaliyay goolka furitaanka kulankii chelsea ka hor inta ayna Blues dhalin goolka 2-aad oo uu sidoo kale ku lug lahaa.

Kadib ciyaarta Lukaku ayaa la waydiiyay in uu u jawaabo taageerayaashii Arsenal ee Lukaku ka dalbanayay in uu ku biiro Gunners xagaagan

Lukaku oo la hadlaya beIN Sports ayaa ku jawaabay”Abid kuma biirayo Arsenal, ma dhacayso”.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link