Home Ciyaaraha Roma Oo Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Weeraryahan Uu Mikel Arteta Doonayay. –...

Roma Oo Arsenal Ku Garaacday Saxiixa Weeraryahan Uu Mikel Arteta Doonayay. – Banaadirsom

Banaadirsom Serie A ka dhisan ee Roma ayaa lagu soo waramayaa inay chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Blues ee Tammy Abraham sida ay sheegayaan wararku.

Jose Mourinho ayaa Arsenal ku garaacay saxiixa xiddiga Tammy Abraham kaas oo uu Mikel Arteta u doonayay in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Arsenal ayaa xiiso weyn u qabtay saxiixa xiddiga Tammy Abraham iyaga oo doonayay in ay ku xoojiyaan werarka Banaadirsom kadib markii ay kooxdu xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay weerarka.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Roma ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga Abraham dib markii ay Chelsea kala heshiisay qiimaha inkasta oo ay Arsenal muddo ku raad joogtay saxiixa xiddiga.

Xiddiga Abraham oo 23 jir ah ayaa ciyaaray 22 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore isaga oo Banaadirsom kula guulaysta champions League isla markaasna dhaliyay 12 gool 6 kale caawiye ka noqday.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Source link