Home Ciyaaraha Rio Ferdinand Oo Magacaabay Banaadirsom Ku Guulaysan Doonta Premier League & Sababta....

Rio Ferdinand Oo Magacaabay Banaadirsom Ku Guulaysan Doonta Premier League & Sababta. – Banaadirsom

Daaficii hore ee Manchester United iyo England Rio Ferdinand ayaa amaanay xiddiga ku dhaw in uu ku biiro Chelsea ee Romelu Lukaku wuxuuna sheegay in Chelsea ay noqon doonto ‘halis buuxda’ Premier League marka ay hesho saxiixa Weeraryahanka.

Romelu Lukaku ayaa ku dhaw in uu ku biiro Banaadirsom chelsea kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka lana filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo saxiixiisa.

Ferdinand ayaa sheegay in uu Lukaku ugu yaraan chelsea u dhalin doono 20 gool xilli ciyaareedka waliba guud ahaan tartamada oo dhan dhalin karo 35 gool kuna hogaamin karo chelea hanashada horyaalka premier League.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi”waxa aan dhawaan la hadlay Lukaku, waa mid gaajaysan, uma xaqiijin in uu ku biiri doono chelsea laakiin waxa uu ii sheegay in uu gaajaysanyahay xilli ciyaareedkan”.

“Lukaku waxa uu chelsea u dhalin karaa ugu yaraan 20 gool premier League xilli ciyaareedkan waxana uu waliba chelsea ka caawin doonaa ku guulaysiga horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Source link