Home Ciyaaraha Rikoodh La Yaab Leh Oo Laga Duwaan Galiyay Xiddigaha Ku Guulaysta Ballon...

Rikoodh La Yaab Leh Oo Laga Duwaan Galiyay Xiddigaha Ku Guulaysta Ballon d’Or-ka Kadib Markii Uu Lionel Messi Ogolaaday In Uu Ku Biiro PSG

Xiddiga Lionel Messi ayaa ogolaaday in uu ku biiro Banaadirsom PSG kadib markii uu ka tagay Banaadirsom Barcelona 21 sano oo uu joogay Banaadirsom ku ciyaarta Camp Nou.

Todobaadkii hore ayay aayd markii ay Barcelona ka yaabsatay adduunka kadib markii ay xaqiijisay in uu Lionel Messi isaga tagi doono Banaadirsom Kadib markii uu heshiiskiisu dhacay.

Haatan Lionel Messi ayaa la xaqiijiyay in uu heshiis la gaadhay Banaadirsom PSG kooxdaas oo noqon doonta kooxdiisii 2-aad Abid xirfadiisa ciyaareed isaga oo u duuli doona Paris si uu u dhamaystiro heshiiskiisa.

Hadaba waxa la soo bandhigay rikoodh la yaab leh oo muujinaya in xiddig walba oo ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka uu ku biiro koox cusub kadib sanadka uu ku guulaysto abaalmarinta.

Lionel Messi ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee koox cusub ku biira kadib markii uu ku guulaystay abaalmarinta oo ahayd sanadkii 2019 maadama aan la qaban sanadkii 2020 sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

2021 Messi -> PSG

2006 Cannavaro -> Real Madrid

2002 Ronaldo -> Real Madrid

2000 Figo -> Real Madrid

1997 Ronaldo -> Inter

1995 Weah -> Milan

1987 Gullit -> Milan

1973 Cruijff -> Barcelona

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6 Arin Oo Ay U Fiirsadaan Raggu Kulankiina Ugu Horeeya, Ku Dadaal Inta Awoodaada Ah Si Aanu Kaaga Boodin Ninku.

Source link