Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Doonayso Saxiixa Paul Pogba –...

Real Madrid Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Doonayso Saxiixa Paul Pogba – Banaadirsom

Real Madrid ayaa gaartay go’aankeedii ugu dambeeyay oo ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga qadka dhexe ee reer France Paul Pogba waliba qaab xor ah marka la gaadho suuqa xagaaga soo socda marka uu dhoco heshiiskiisa Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa diidan in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Idaacada ABC ayaa sheegtay in ay madaxda Real Madrid haatanba la xidhiidheen wakiilka Pogba ee Mino Raiola si ay ugala hadlaan surtagalnimada ay xiddiga ugu heli karaan xagaaga dambe.

Masuuliyiinta Real Madrid ayaa wakiilka Pogba u sheegay in uu xiddigu ku adkaysto diidista heshiiska cusub ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay xagaaga dambe ugu dhaqaaqaan saxiixiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa tartan adag oo ku aadan saxixia xiddiga kala wajahaysa kooxda PSG kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link