Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Nus-Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday Mallorca, Asensio Oo 3...

Real Madrid Oo Nus-Darsin Goolal Ah Ku Xasuuqday Mallorca, Asensio Oo 3 Gool Dhaliyay & Benzema Oo Sii Wada Wacdarihii Uu Dhigayay. – Banaadirsom

Kooxda Real Madrid ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Real Mallorca kulan ka dhacay Santiago Bernabue kana tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa u awood sheegatay kooxda Mallorca waxana ay soo bandhigtay qaab ciyaareed wareer ah iyaga oo aan kooxda Mallorca wax fursad ah siin.

Daqiiqadii 3-aadba Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaan wakhti hore ah.

Real Madrid ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso goolal kale xilli ay Mallorca qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay goolal ku doonayeen.

Daqiiqadii 24-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxna u dhaliyay xiddiga Marco Asensio oo ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay La Liga xilli ciyaareedkan.

Kooxda Mallorca ayaa daqiiqadii 25-aad dib u soo ceshatay gool waxana u dhaliyay xiddiga Lee Kang-in isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin xiddiga Asensio oo wacdaro dhigayay kulankan ayaa daqiiqadii 29-aad dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo goolkii 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid ahayd kooxda fiican waliba dhalin kartay goolal intaas ka badan una awood sheegatay kooxda Mallorca.

Qaybtii dambe ayay Los Blancos ku bilaabatay sidii ay ku dhamaystay qaybtii hore iyaga oo wacdaro dhigayay kana awood badnaa kooxda Real mallorca.

Daqiiqadii 55-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marco Ansensio kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Kooxdiisu ku horayso ciyaarta.

Kadib dadaal badan oo ay sameeyeen Real kuna raadinayeen goolal ay ku sii badsadaan natiijadooda daqiiqadii 78-aad atat Real Madrid dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 83-aad dhamaystirtay nus darsinka goolasha ah iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Isco kaas oo ciyaarta ka dhigay 6/1. ay Ral ku hogaaminayso ciyaarta.

Sii Akhriso: Ma jiraa Wiil Kaa Qortay Lambarkaaga, Ma Sugaysaa In Uu Kula Soo Xidhiidho, Ma Dhacday In Uu Kula Soo Xidhiidhi Waayo, Ma Is Waydiinaysaa Sababaha Ka Dambeeya, Arimahan Ayaa Sabab U Ah.

Source link