Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Koox Premier League Ah U Soo Bandhigtay Vinicius Junior...

Real Madrid Oo Koox Premier League Ah U Soo Bandhigtay Vinicius Junior – banaadirsom

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixato xiddiga Real Madrid Vinicius Junior.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa si joogto ah ugu ciyaaray banaadirsom Real Madrid xilli ciyaareedkii hore isaga oo saftay 49 kulan tartamada oo dhan laakiin xiddiga reer Brazil ayaa la sheegayaa in suuqa la dhigayo suuqa xagaagan iyada oo kooxdu doonayso xiddiga Kylian Mbappe.

Man United iyo Real Madrid ayaa haatanba wadahadalo ka qaadanaya Raphael Varan laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in Ay Real Madrid dhigeeda Man United u soo bandhigtay saxiixa xiddiga Vinicius Junior.

Wararka ayaa sheegaya in ay Real Madrid xiddiga ku qiimayso lacag dhan 68 milyan oo euro laakiin Red Devils ayaa dhankooda ku doonaysa qaab amaah ah xilli ciyaareedka dambe ka hor inta ayna qaab toos ah ula wareegin.

banaadirsom Man United ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga reer Brazil xagaagii hore kaas oo ay doonayeen in ay ku xoojiyaan garabka weerarka banaadirsom

Source link