Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaysa In Ay Doonayaan Ku Biirista...

Real Madrid Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaysa In Ay Doonayaan Ku Biirista Premier League. – Banaadirsom

Banaadirsom Real Madrid ayaa soo saartay bayaan ay ku beeninayaayn wararka sheegaya in ay doonayaan in ay ka tagaan horyaalka La Liga kuna biiraan horyaalka premier League.

Wargayska Mundo Deportivo ee ka soo baxa magaalada Barcelona shaaciyay warar sheegaya in ay Los Blancos doonayso in ay isaga baxdo horyaalka La Liga kuna biirto horyaalka Premier League kadib markii ay isku dheceen madaxweynaha La Liga ee Javier Tebas.

Laakiin Banaadirsom Real Madrid ayaa warbixin ku beenisay wararkaas iyaga oo ku soo daabacay Bogga ay ku leeyihiin Intener-ka kadib markii ay sii xooysteen wararka la xidhiidha arintaas.

Bayaanka ay soo saartay Real madrid ayaa u qornaa sidan:-

“Marka la eego wararka ay qortay wargayska Mundo Deportivo kaas oo sheegaya in ay kooxdu ka fikirayso in ay ka baxdo La Liga kuna biirto Premier League, Real Madrid waxay doonaysaa inay xaqiijiso in warkaasi uu yahay mid gebi ahaanba been abuur ah, waliba aan macquul ahayn waxana aan kooxdeena u wadnaa sidii maalinlaha ahayd”.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Source link