Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixatay Xiddiga Fede Valverde....

Real Madrid Oo Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixatay Xiddiga Fede Valverde. – Banaadirsom

Kooxda Real Madrid ayaa sii wada kordhinta heshiisyada xiddigaha kooxdeeda waxana ay markan xaqiijisay in ay heshiis cusub oo 6 sano ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee Fede Valverde.

Fede Valverde Ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono kooxda Real Madrid ilaa xagaaga 2027 isaa oo mustaqbalkiisa u hibeyay kooxda

Heshiiskii hore ee xiddiga 23 jirka ah ayaa dhacayay xagaaga 2025 laakiin Real Madrid ayaa heshiis cusub oo 2 sano ah ka saxiixatay si uu xiddigu muddo dheer u sii joogo kooxda.

Xiddiga Fede Valverde ayaa muhiim ka noqday kooxda 1-aad ee Real madrid xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay isaga oo kooxda 1-aad loo soo dalacay sanadkii 2018.

Xiddiga da’yarka ah ayaa haatan ku biiray Liiska xiddigo badan oo kooxda heshiis cusub u saxiixay isaga oo sii joogi doona kooxda 6-da sano ee soo socota.

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link