Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Karim Benzema – Banaadirsom

Real Madrid Oo Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Karim Benzema – Banaadirsom

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Karim Benzema uu saxiixay qandaraas cusub oo kooxda ku sii hayn doona ilaa June 2023.

Heshiiskii hore ee weeraryahanka ayaa dhacayay xagaaga 2023 laakii waxa uu haatan kooxda sii jooi doonaa ugu yaraan sanad kale.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa Real Madrid ku soo biiray xagaagii 2009 isaga oo kooxda ku soo biiray isaga oo 21 jir ah waxana uu kooxda joogi doonaa ilaa 35 jirkiisa.

Real Madrid ayaa hubisay in ay sii haysato Benzema marka loo eego in ay kooxdu sanadihii ugu dambeeyay wayday xiddigo muhiim u ah uguna dambeeyeen xiddigaha Varane iyo Ramos oo ka tagay kooxda.

Karim Benzeam ayaa hogaamiye ka noqday Real Madrid xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay isaga oo hogaamiyay weerarka kooxda kooxdana u dhaliyay goolal badan sanadihii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Imis Jeer Ayay Lamaanaha Dhawaan Is Guursaday Ku Kulmi Karaan Sariirta?

Source link