Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay La Liga, Benzema Oo Laba...

Real Madrid Oo Guul Weyn Ku Bilaabatay La Liga, Benzema Oo Laba Gool Dhaliyay & Los Blancos Oo Muujisay In Ayna Waxba U Noqon Doonin Ramos & Varane.

Banaadirsom Real Madrid ayaa guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka La Liga iyaga oo garaacay Banaadirsom Alaves oo ay marti u ahaayeen.

Carlo Ancelotti ayaa Real Madrid hogaamiyay kulankiisiisii ugu horeeyay ee La Liga ah waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul fudud iyda oo ayna Los Blancos tabin xiddigaha Ranos iyo Varane oo ka tagay Banaadirsom xagaagan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay Real Madrid maamulaysay laakiin ku dhibaatootay in ay wax gool ah ka dhaliyaan iyada oo Alaves si fiican u difaacanaysay goolkeeda.

Waxa ay bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ayna labada kooxood wax gool ah kala dhalin qaybtaas inkasta oo ay Real Madrid maamulaysay ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay natiijada wax ka badalaan waliba hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 48-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo baas cajiib ah ka helay xiddiga Eden Hazard ciyaartana ka dhigay 1/0.

Los Blancos ayaa sii waday dadaalka ay u doonaysay goolasha xilli ay Alaves ku dhibaatoonayso in ay dhaafto daafacyada Banaadirsom Real Madrid.

Daqiqiadii 56-aad ayay Los Blancos dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nacho kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisa Real Madrid ciyaarta ku hogaaminayso.

Banaadirsom Ancelotti ayaa sii waday weerarada iyaga oo doonayay in ay dilaan ciyaarta si ay uga fogaadaan in ay Alaves ciyaarta ku soo laabato waliba dhaliso goolal kale.

Daqiiqadii 62-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay mar kale xiddiga Karim Benzema kaas oo goolkiisii 2-aad ee kulanka u dhaliyay Real Madrid.

Banaadirsom Alaves ayaa daqiiqadii 65-aad heshay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay Banaadirsom Alaves iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Laakiin xiddiga Vinícius Jr ayaa daqiiqadii ugu dambasay gool madax ah u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid kana dhigay ciyaarta 4/1 ay Real Madrid ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee La Liga waliba Ancelotti qaab ciyaareed fiican ka soo saaray xiddigo badan oo Real Madrid ah.

Sii Akhriso: Raggu Ma Jecelyihiin Gabadha Jacaylkeeda U Soo Bandhigta?

Source link