Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Go`aansatay In Albaabj=ka U Garaacdo Liverpool , Xiddig Ayay...

Real Madrid Oo Go`aansatay In Albaabj=ka U Garaacdo Liverpool , Xiddig Ayay Ka Dooneysaa – banaadirsom

Real Madrid ayaa lagu waramayaa in si dhab ah uga fikarayaan in ay u dhaqaaqaan Mohamed Salah oo ay u arkaan badelka Mbappe kaasi oo u muuqda mid aan suuqa laga heli karin

Mbappe weli PSG lama meel dhigin hisiis kordhin waxaana midkiisa haatan ka harsan 12 bil  balse waxaa jirta cabsi ah in Real heli karin marka la eego lacagta banaadirsom reer France ay dalbaneyso

Si waliba , Los Blancos ayaa la xaqiijiyay in ay ka fikarayaan in si dhab ah xagaagaan ugu dhaqaaqaan saxiixa Salah xittaa haddii laga soo diidayo

Salah ayaa waqti horeysay diiday in uu daaqadda ka saaro  in midkood u wareegi doono Real iyo Barca balse wargeyska Fuchajes ayaa haatan sheegaya in maamulka Real si dhab ah ugu dhaqaaqayaan baacsiga Salah

Laacibkaas 29 sano jirka  ayaa hishiiskiisa Liverpool waxa uu dhacayaa 2023 xilli ay jiraan warar ah in banaadirsom Reds ku fikirayaan in hishiis is weydaarsi Salah kula galaan Sassuolo oo ay ka donayaan  Berardi

Salah ayaa xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay Liverpool 31 gool dhamaan tartamada  xilli kooxdiisa u diideen in Masar uu kala qeyb galo tartanka  Olympic-yada ee sanadkaan Japan lagu qabanayo.

 

Source link