Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Eden Hazard. – banaadirsom

Real Madrid Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Eden Hazard. – banaadirsom

Weeraryahanka Real Madrid Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa inuu ku biiray liiska Xiddigaha ee ay banaadirsom Los Blancos suuqa dhigtay xagaagan.

Xiddigii hore ee banaadirsom chelsea ayaa wakhti adag ku qaatay Real Madrid isaga oo kaliya 43 kulan u saftay Real Madrid 2-dii xilli ciyaareed ee uu ku qaatay Los Blancos.

Hazard ayaa lala xidhiidhinayay ku laabashada Chelsea kadib markii uu ku dhibaatooday banaadirsom laakiin xiddiga ayaa go’aansaday in uu sii joogo banaadirsom Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in ay Real Madrid mar kale suuqa dhigtay xiddiga Hazard iyaga oo go’aansaday in ay iska iibiyaan xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Maamulka kooxdu go’aansadeen iibka xiddiga inkasta oo uu tababare Carlo Ancelotti doonayo in uu sii haysto xiddiga xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link