Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Kylian Mbappe – Banaadirsom

Real Madrid Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Kylian Mbappe – Banaadirsom

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo 160 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer France ayaa kooxdiisa PSG u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa ku dhaw in uu ka tago PSG kadib 4 sano oo uu ku qaatay kooxda Real Madrid ayaana ku kalsoon in ay la soo saxiixan doonto xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaagan.

Heshiiska Mbappe ee PSG ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana uu dhawaan iska diiday heshiis cusub oo 5 sano ah oo ay kooxdu u soo bandhigtay xiddiga.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay xiddiga reer France ku xoojiso kooxdeeda xagaagan waxana ay ka gudbisay dalab Rasmi ah si u tijaabiso Go’aanka kooxda PSG

Sii Akhriso: Sifooyinka Uu Ninku Ku Jecelyahay Gabadha Laakiin Keeni Karta In Uu Wakhti Dambe Ka Fogaado.

Source link