Home Ciyaaraha Real Madrid Oo Arsenal Hor Dhigtay Laba Shardi Si Ay U Hesho...

Real Madrid Oo Arsenal Hor Dhigtay Laba Shardi Si Ay U Hesho Saxiixa Martin Odegaard. – Banaadirsom

Banaadirsom Real Madrid ayaa shaacisay shardiyada ay xiddiga Martin Ogedaard ugu ogolaanayso in uu ku biiro suuqa xagaagan.

Xiddiga reer Norway ayaa wakhti fiican ku qaatay Banaadirsom Arsenal 6-dii bilood ee uu amaahda ugu joogay Banaadirsom Arsenal.

Tababare Mikel Arteta ayaa ka helay tayada xiddiga waxana uu doonayaa in uu qaab toos ah ula wareego xiddiga reer Norway suuqa xagaagan ama uu amaah ku sii haysto xilli ciyaareed kale.

Laakiin Martin Odegaar ayaa ku laabtay Real Madrid kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka iyada oo ayna Arsenal wax heshiis ah kala gaadhin Real Madrid saxiixa xiddiga.

Shabakada ABC ayaa sheegtay in uu tababare Ancelotti u sheegay xiddiga Odegaard in uu ka mid yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka laakiin uuna u balan qaadi karin boos joogto ah.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu Odegaard ka fikirayo mustaqbalkiisa waliba doonayo in uu ku laabto koxda Arsenal maadama uu ogyahay in uu boos joogto ah ka helayo

Banaadirsom Real Madrid ayaa ogolaatay in ay Arsenal ka iibiso saxiixa xiddiga Martin Odegaard laakiin waa in ay Gunners bixiso laca dhan 50 milyan oo euro sidoo kale heshiiska ku darto in ay Los Blanos dib ula soo saxiixan karto xiddiga marka ay doonayso.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Source link