Home Ciyaaraha Raphael Varane Oo Ku Soo Laabtay Real Madrid & Go’aanka Uu Qaadan...

Raphael Varane Oo Ku Soo Laabtay Real Madrid & Go’aanka Uu Qaadan Doono Oo La Sugayo. – banaadirsom

Tababare Carlo Ancelotti ayaa dib u heli doona qaar ka mid ah xiddigaha kooxdiisa ku maqnaa waajibaadka xulalkooda iyada oo xiddigaha  Karim Benzema, Raphael Varane, Luka Modric, Toni Kroos, David Alaba & Gareth Bale soo laaban doonaan.

Kadib markii lagu reebay wareega 16-ka euro 2020 waxa ay xiddigahaas dhamaantood ku soo laaban doonaan tababarka Real Madrid ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Maalmaha soo socda Varane ayaa la filayaa in uu xiddiga reer France go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa gaar ahaan in uuna wali ka jawaabin heshiiskii cusbaa ee ay Real Madrid miiska u saartay.

banaadirsom Man United ayaa aad loola xidhiidhinayaa xiddiga reer France iyada oo ay jiraan warar sheegaya in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer France.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Source link