Home Ciyaaraha Raphael Varane Oo Fariin U Diray Real Madrid Isla Markaas Xaqiijiyay Ku...

Raphael Varane Oo Fariin U Diray Real Madrid Isla Markaas Xaqiijiyay Ku Biiristiisa Man United. – Banaadirsom

Raphael Varane ayaa xaqiijiyay inuu ugu biirayo Manchester United kadib fariin macsalaameyn ah oo uu u diray Real Madrid.

Daafaca reer France ayaa u mahad celiyay Banaadirsom Real Madrid oo uu kula guulaystay koobab isaga oo sidoo kale ka hadlay bilaabashadiisa cusub.

Varane ayaan wali ku baasin tijaabada caafimaadka laakiin fariinta uu ku qoray Bogiisa Instagram Ayaa xaqiijiyay in uu ku dhawyahay ku biirista Banaadirsom Man United.

“Maalmihii ugu dambeeyay waxa aan ku jiray jawi dareen leh waxana aan doonayaa in aan dhamaantiin idinla wadaago”.

“Kadib 10 sano oo cajiib ah oo uu ku qaatay Real Madrid, kooxdu waxay mar walba ku jiri doontaa qalbigayga, laakiin waxa la gaadhay maalintii macasalaamaynta”.

“Tan ilaa markii aan imid 2011, waxa aan wada gaadhnay wax aanan waligay ku riyoon”.

“Waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo, tababaryaasha iyo cid walba oo aan la soo shaqeeyay Banaadirsom wax walba oo ay ii qabteen”.

“Waxa aan sidoo kale u mahad celinayaa taageerayaasha Madrid kuwaas oo i siiyay jacayl badan waliba mar walba igu riixay in aan soo bandhigo qaab ciyaareedkayga ugu fiican una dagaalamo guulaha”.

“Waxa sharaf ii ah in aan qolka labiska la wadaagay xiddigaha ugu fiican adduunka lana gaadhay guulo aan tiro lahayn gaar ahaan ku guulaysiga champions League 10-kaad”.

“Ugu dambayn waxa aan doonayaa in u mahad celiyo caasimada Madrid halkaas oo ay labadayda caruur a ku dhasheen, dalkan mar walba waxa uu ii ahaan doonaa mid khaas ah”.

“Cutub cusub ayaa bilaabmaya”Ayuu ku soo gaba-gabeeyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Source link