Home Ciyaaraha Raphael Varane Mise Ben White? Xiddiga Fiican Labada Xiddig Oo La Magacaabay....

Raphael Varane Mise Ben White? Xiddiga Fiican Labada Xiddig Oo La Magacaabay. – Banaadirsom

Xiddigii hore ee Premier League Shaun Wright-Phillips ayaa sharaxay sababta uu u aaminsan yahay in saxiixa Arsenal ee Ben White uu ka fiican yahay mid ka fiican saxiixa Man United ee Raphael Varane.

Gunners ayaa xagaagii intiisa badan baacsanaysay daafaca Brighton ka hor inta aysan ugu dambeyn 50 milyan euro kula wareegin saxiixiisa.

United ayaa sidoo kale bartilmaameedkooda 1-aad ka dhigtay Varane isla markaasna helay saxiixa xiddiga kadib markii ay wadahadalo la fureen Real Madrid.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay in uu keeno xiddig uu ka garab ciyaarsiiyo Harry Maguire xilli ciyaareedka cusub waxana uu ku guulaystay saxiixa Varane.

Varane ayaa lagu qiimeeyaa in uu ka mid ay daafacyada ugu fiican adduunka kadib wakhtigii fiicnaa ee uu la soo qaatay Real Madrid halka uu Ben White kaliya xilli ciyaareedkii hore soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Hadana xiddigii hore ee chelsea Wright-Phillips ayaa rumaysan in xddiga Ben White uu ka fiicanyahay xiddiga Varane waliba yahay xiddiga ay Arsenal u baahantahay.

“Marka dhinac laga eego Arsenal waxa ay u baahnayd daafac isaga oo kale ah, waa xiddig leh shaqsiyada weyn sidoo kale si fiican ayuu u ciyaari karaa”ayuu u sheegay talkSPORT

“Waxa aan aaminsanahay in uu White ka fiicanyahay Varane sababta oo ah White waxa uu la qabsaday Premier League, waxana uu la qabsaday sida looga difaacdo premier League intii uu joogay Brighton”.

“Laakiin Varane waxa uu imanayaa horyaal cusub waxana ay arintaas ku noqonaysaa cadaadis badan sidaas darteed haatan waxa aan odhan karaa Ben White ayaa ka fiican Varane”.

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Source link